Somali-Maraykan loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya(Maxaad ka taqaana??!)

Posted on Oct 14 2010 - 5:59pm by News Desk
Tweet
Pin It

ra'iisul wasaaraha cusubBartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilka Ra’iisul Wasaaraha siiyay nin Somali-Maraykan ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galinkii danbe ee maanta wareegto uu  ka soo saaray  aqalka madaxtooyada waxa uu xilka Ra’iisul Wasaare ugu magacaabay Maxamed C/llaahi Maxamed “farmaajo” .

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa loo magacaabay nin lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed “farmaajo”  ayaa waxa uu yahay nin ku dhashay Magaalada Muqdisho balse muddo dhowr sana ah ka shaqeynayay Gobolada dalka Maraykanka.

Ninkan oo ah nin aad u yaqaana Mashaariicda iyo qaabka dhaqaalaha loo helo ayaa waxa uu xilka ku guulaystay markii uu soo bandhigay adduun lacageed oo uu Milkiyad ahaan u leeyahay iyo mid uu maamulo mudana uu ka haqeynayay Gobolo maraykan ah oo uu maaliyad badan ku haystay.

Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhawaystay Farmaajo oo ah nin dhaqaala yahan ah oo aad loo aamin san yahay in ay dhanka maaliyada iska kaashan doonaan maadaama Dowlada Soomaaliya ay ahayd mid dhabarka uga jabtay dhaqaala la’aanta iyo Maaliyada soo gasho oola aamin san yahay in masuuliyiinta ay ku tagri falaan.

Farmaajo qoraalkii uu isku barayay Bulshada:-
picture 051
sax02