Bartamaha(Muqdisho):- R/Wasaaraha Dowlada Fd Soomaaliya oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay jiraan diyaar garow ay wadaan Ciidamada Amisom si ay u kaalmeeyaan Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya.
Dr.Cumar C/rashiid ayaa waxa uu shegay in ciidamada Amisom ay haatan ku biirayaan dhawaan dagaalada caasimada ka socda maadaama haatan ciidamadooda lagaga taagroonaaday goobaha dagaalada qaar.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu tilmaamay in ay si weyn u soo dhaweyna yaan go’aanka ururka midowga afrika ay ku fareen in Ciidamada Amisom loo badalo nabad dhaliyayaal taasi oo uu sheegay in ay wax badan ka geysanayso tirtirida kooxaha islaamiyiinta ajaanibta ah.
Ra’iisul wasaare Dr.Cumar C/rashiid ayaa waxa uu maanta sheegay in ay Islaamiyiinta ay wadaan qorshe ay ku afgambinayaan Dowladooda Soomaaliya si ay dalka ugu gacan galiyaan islaamiyiin dalalkooda laga soo nacay kuwaasi oo uu ku eedeeyay in ay haatan gubaan calanka soomaaliya isla markaasina ay suraan calamo aan la garanaynin.
Hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha soomaaliya ayaa maanta ahaa kii ugu kululaa ee uu kaga hadlo arimaha dagaalada ka socda caasimada Muqdisho isagoo markii ugu horeysay si toos ah u dhaleeceeyay dagaalada ay wadaan islaamiyiin uu ku tilmaamay kuwa aan dalka soomaaliya nabad u doonaynin.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.