Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Yurub

Posted on Aug 10 2011 - 6:45am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

Muqdisho (Bartamaha.co:-) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Wali Max’ed Cali ayaa shaley waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Midawga Yurub oo uu hogaaminayay wakiilka Midawg Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo Talaadadii soo gaaray magaalada Muqdisho.

Provosor Cabdi Wali Cali Gaas ayaa kulankaasi kadib waxa uu la hadlay saxaafadda waxana uu sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan horumarka ciidamada iyo sidii loo taakuleeyn lahaa dadka barakacyaasha ah waxuuna intaa ku daray in kulankaasi uu ku soo dhamaaday jawi is afgarad leh.

Sidoo kale wakiilka Midawga Yurub u qabilsan arimaha Soomaaliya Jorj Mike ayaa sheegay  ra’iisal wasaraaha in ugu hambalyeeyay magacaabistiisa iyo doorkii uu ka qaatay in la soo afjaro khilaafadkii Xukumaadiio ka horreysay iyo waxa kaloo hambalyeeyay horumarka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in Midawga Yurub uu bixinayo  62 Milyan oo Yuro oo dhan in ka badan 80-Milion doollar oo lagu taakuleynayo dadka barakacayaasha ah oo ku dhibaateysan gudaha dalka.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya