Bartamaha (Nairobi):-Rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Booliska dalka Kenaya kana dhacay Xerada Qaxootiga ee Dhagaxleey ayay ku dhaawacmeen Afar qofood
Rabshadahan ayaa bilawday ka dib markii maanta askari ka tirsan booliska Kenya uu si bareer ah u garaacay wiil yar oo Soomaaliyeed oo xilligaasi raashiin la qeybinayey u soo qaaday reerkooda.
Dadweyne careysan oo ka mid ah qoxootiga ku jira xerada Dhagaxley ayaa bilaabay dhagaxtuur iyo inay taayaro ku gubaan banaanka xerada iyagoo sidoo kalena ka hortegey booliska Kenya ee garaacay wiilka yar.
Wiilka ay dhaawaca u geesteen ama jirdilka Booliska dalka Kenya ayaa la sheegayaa in magaciisa la yiraahdo C/raxmaan Macow iyadoo wiilkan lagu dhabiibayo Hospital-ka ay Maamusho Heyada MSF.
Qoyska dhalay wiilkan oo xerada qoxootiga ku jira ayaa la sheegayaa inay aad uga caroodeen garaaca loo geystey wiilkooda waxaana gacan ka hadal uu dhexmarey aabaha dhalay wiilka oo lagu magacaabo Macow iyo askarigii garaacay wiilka oo markaasi dhex joogay xerada qoxootiga.
Dadweynaha qoxootiga ayaa ka careysan tallaabooyin joogto ah oo tacadiyo ah oo ay booliska Kenya ku kacaan, kuwaasi oo had iyo jeer ku soo noqnoqda xeryaha qoxootiga.
Booliska Kenya waxaa lagu eedeeyaa inay yihiin kuwo akhlaaq xun oo si daran ugu xadgudba dadka rayidka ah gaar ahaan haweenka iyo carruurta oo ay kufsi kula kacaan. Waxaana sidoo kale ay dadka ka qaataan lacago baad ah oo laaluush ahaan ay dadka uga qaataan iyagoo ugu goodiya inay xirayaan.
Inta badan Hay’adaha xuquuqda aadnaha ayaa ku eedeyey dowlada Kenya inaysan waxba ka qaban arimahan oo soo noqnoqda sababtuna waxa ay tahay Musuqmaasuqa ka jira Dowladda Kenya.
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentlemanâ€
xafiiska Bartamaha ee Nairobi, Kenya