Rabshadaha Dalka Engiirska oo Magaalooyin Hor leh ku Faafay

Posted on Aug 10 2011 - 7:23am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

(Batamaha.com) Waxa Xaley si aan horrey loo arkin Ciidamo Poolis ah loogu daadiyay caasimadda dalka Engriiska London ka dib markii lagu la dhigay 16,000 oo poolis kuwaas oo sugaya ammaanka magaaladda,

Talaabadan ayaa waxa soo baxday ka dib markii maalmahan magaalooyin ka tirsan dalkaas oo ay ku jirto London ay ka dhaceen boob iyo Xatooyo kuwaas oo sameenayaan dhalinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho.

Xaley magaalooyinka ay rabshadaha ka dhaceen waxa ka mid ah Manchester iyo Liverpool oo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan dalka UK.

Ra’iisal Wasaaraha Brton David Camiron ayaa soo gaabiyay safar dibadda uu ku maqnaa,waxana lagu waddaa maanta in ay fadhi ka yeeshaan rabshadaha dalka Engiriiska ruxay baarlamaanka dalkaas.

Warbaahinta Dalka Brtion ayaa baahiyay maanta oo arbaca ah in laga cabsi qabo Baarlamaanka in ay soo saaran sharciyp adag oo la xiriira sugidda amaanka dalka UK, waxana ka mid ah in Poliska loo fasaxo in ay Xabadaha Cijirka ama Rabar iyo Budad ay u adeegsan karaan kooxaha qarbudaada wadda.

Ugu yaraan seddax qof ayaa ku geeriyooday oo uu ku jiro ninkii rabshadaha markii horre ay ka bilaabatay oo pooliska ay ku toogteen magaaladda Totenham. waxa kaloo ku dhawaacmay ku dhawaa 111-qof oo ay ku jiraan ciidan Poolis.

W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya