Raaf Ka Bilawday Boosaaso.

Posted on Jul 20 2010 - 4:54pm by News Desk
Tweet
Pin It

boosaaso1Bartamaha(Boosaaso)- Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maalintii labaad galay raaf baahsan oo ay ciidamada amniga Boosaaso ku bartilmaamedsanayaan dadka aanan u dhalan goboladaasi ee soo galootiga ku ah.

Shalay ahayd ayay ahayd markii ay si lama filaan ah hawlgalkani u bilaabeen ciidamada amniga boosaaso kaasi oo ay ku bartilmaameedsanayeen soo galoootiga dadka ku ah magaalada ugu balaaran dhinaca ganacsiga ee maamulka Puntland.

Raafka oo Saameeyay Suuqa Weyn iyo Ganacsiga.

Ciidamada amniga Boosaaso ayaa galay maanta suuqa weyn ee magaalda Boosaaso, iyagoo hawlgal ballaaran halkaasi ka fuliyay, waxayna hawlgalkani kusoo qabqabteen dad aad u badan, oo intooda badan lagu xiray saldhiga dhexe ee degmada boosaaso, kuwaasi oo markii lasoo xirayay xaataa aanan fursad loo siin xiritaanka goobihii ganacsi ee ay ka shaqeynayeen.

Waxaa aad usoo yaraaday dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee wadooyinka xaafadaha boosaao oo intooda badan dadkii goobahaasi ka shaqeysanayay badidooda la raafay.

Gaalkacyo ayaa dadka la raafay la Geynayaa.

Maamulka degmada Boosaaso ee Dawladda Puntland ayaa sheegay in isla galabta dad badan oo kamida shhakhsiyaadkii halkaasi lagu raafay la saaray gaadiid aad u waaweyn oo loogu daabulayo magaalada gaalkacyo ee Galabta ayaa qaar ka mid ah dadkaan la saaray gaadiid waawayn oo ku wajahan magaalada galkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay sheegeen in lagu diiwaan galinayo laguna sawirayo, taasi oo u muuqata qaab cusub oo ay maamulku ku koontaroolayaan dadka soo galootiga ah.

Amniga magaalada Boosaaso ayaa bilihii ugu dambeeyay ee sandkani waxa uu u muuqday mid sii xumaanaya iyadoo islamaantana intii uu hawlgalkaasi socday gudaha degmada boosaaso lagu toogtay labo askari oo ka tirsan ciidamada amniga Boosaaso, iyadoo sidooo kalana dad rayida ay dhaawacyo halkaasi ku soo gaareen.

Waxaa sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan gudaha Boosaaso maanta hawada laga saaray isgaarsiinta sida taleefanada iyo internetka, intii uu hawlgalkaasi socday.

Hawlgalku waa sii soconayaa.

Qaar kamida saraakiisha amniga Puntland gaar ahaana degmada boosaaso ayaa xaqiijiyay in hawlgalkani uu sii soconayo maalinta berito ah taasi oo lagu aruurinayo dad masaakiin xoogsato ah oo gobolada koonfureed uga soo carary amni xumo rafaad iyo noloshooda oo noqotay mid aad u liidata balse haatan u muuqata markii ay nolol aasaasiya halkaasi ka bilaabeen laga soo raafayo gudaha degmada Boosaaso.
Soomaaliya laga raafayo Soomaaliya loo Raafayo.

Raafku waxa uu saameeyay Dad Rafaad ksoo cararay.

Dadkan la raafayo waxay u badan yihiin Soomaalida kasoo carartay gobolada koonfureed ee Soomaaliya oo dagaallo iyo colaado baahsani ragaadiyeen, hadana waxay nolo aasaasiya ka bilaabeen gobolada nabadu ay ka jirto sida Puntland iyo Somaliland.

Waxaa markii ay halkaasi gaareen isa soo taray amni xumo soo foodsartay goobahaasi ay maamulada iyo kala dambeyntu ka jirtay, iyadoo Boosaaso lagu dilay amaba weeraro loogu geystay saraakiil ciidamada amniga, maamulka degmada, garsoorka iyo waliba shakhsiyaadka deegaankaasi caanka ah lagu waxyeeleeyay, haddana waxaa hubaal ah in boqolaalka rayidka ah ee la raafayo aysan dhamaantood arimahaas ku lug yeelan Karin, weyna cadaha inuu saameyn ku yeelanayo raafkani dad markoodii horeba rafaad kasoo cararay.

Hadiiba ay dhacdo in dadkani lagu soo diwaan galinayo magaalada gaalkacyo maxaa u diiday in lagu diiwaan galiyo guadaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari maadama Soomaaliya laga raafayo, Soomaaliaayana loo Raafayo.

Ugu dambeyntii arimahan raafka ayaa waxay ku soobeegmayaan iyadoo magaalada Nairobi ee caasimadda Kenyana ay Booliisku todobaadkan bilawgiisii ka sameeyeen hawl gal raaf ah oo lagu soo qabqabanayay Soomaalida soo galootiga ku ah Nairobi, kadib qaraxyadii lagu weeraray 11kii Bishan Luulyo magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaasi oo ay ku nafwaayeen dad ku dhaw ilaa iyo 80 ruux halka wax kabadan 80 ruuxna ay ku dhaawacmeen..

Wararkii Ugu dambeeyay ee Soomaaliya, Jaaliyadda Dibedda iyo Caalamkaba Kala Soco www.Bartamaha.com.

Bartamaha, Nairobi.