Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo la kulmaya madax ka socota Beesha Caalamka

Posted on Feb 24 2010 - 11:19am by News Desk
Tweet
Pin It

Bartamaha(Nairobi):-Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu Nairobi kula kulmo madax ka socota wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke oo shalay gaaray magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu kulamo kula qaato halkaasi madax ka socota beesha Caalamka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa la filayaa in Madaxda Beesha Caalamka uu u gudbiyo wax qabadka Dowladiisa iyo taageerada maaliyada oo ay ka doonayso Wadamada daneeya SOomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa Nairobi ku wehliya Wasiirka Malaiyada Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Maxamed Cabdi Gaandi iyo mnadax kale.

Masuuliyiinta qaar ka mida ayaa waxa ay ra’iisul wasaaraha ku sugayeen Nairobi iyadoo la filayo in ay kulamo guud la wada yeeshan qaar ka mida madaxda Beesha Caalamka iyo Safaaradaha qaar.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliya

Muqdisho-Somalia.