Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay wafdi ka socday QM iyo (Sawiro)

Posted on Aug 9 2011 - 8:32am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

 

IMG_8301(Mogadishu, www.Bartamaha.com), Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi weli Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday QM kuwaasi oo uu la yeeshay Kullammo ku aadan xaalada Dalka, gaar ahaan arrimaha laxiriira Sida ay usii u Socon karaan Gurmadka loo sameynayo dadka ay Abaaruhu Saameeyeen ee ku nool gobollada dalka.

hadaba kulan ka dib ayaa xafiiska ra’iisal wasaaraha waxa ka soo baxay War-Saxaafadeedkan:

(Mogadishu, Isniin, 08 August 2011)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Mark Bowden, Isu-Duwaha Xiriirinta iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay, Bruno Geddo, Madaxa UNHCR Somalia, Alvaro Rodriguez, Madaxa UNDP Somalia, Kiki Gbeho, Madaxa OCHA, iyo saraakiil ka socotay WFP, UNHCR, UNDP iyo OCHA. Dhanka Dowladda waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka Haweenka. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta Hay’ada Maareynta Musiibooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiintii Qaramada Midoobay imaatinkooda Muqdisho oo uu sheegay inay beryahan danbe muuqato dadaaladooda iyo imaatinkooda Muqdisho, ugana mahadceliyey dadaalada gurmadka abaaraha oo hay’adaha QM qaarkood soo gaarsiiyeen shacabka tabaaleysan gar-gaar. Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in xaaladda macluusha ay aad u baahsantahay loona baahanyahay in dadaalada la labo jibaaro. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dowladdu ay ku howlantahay sugidda amniga goobihii Al-Shabaab ka baxeen, isla markaana loo baahanyahay in QM ay kaalin mug leh ka qaataan xasilinta magaalada iyo gaarsiinta shacabka adeegyada bulshada muhiimka u ah noloshooda.

Mark Bowden ayaa siiyey Ra’iisul Wasaaraha warbixin la xiriirtay qorshayaasha QM ee ku wajahan gar-gaarka bani’aadanimo, waxuuna sheegay in WFP iyo UNHCR ay mucaawano gaarsiiyeen gobolada Gedo iyo Muqdisho. Waxuu kaloo uu sheegay inay macluusha sii baaheyso oo gobolo hor leh lagu daray liiskii hore ee macluusha, kuwaas oo kala ah Jowhar, Afgooye iyo Muqdisho.

Ugu dabneyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Isu-Duwaha Xiriirinta iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo ee QM ayaa shir-jaraa’id si wada jir ah u qabtay warbixina ka siiyey shirkii oo ay labaduba sheegeen in la dar-dargelinayo dadaalada gurmadka abaaraha, isla markaana la ballaarin doono howlaha gar-gaarka bani’aadanimo oo la gaarsiin doono goobo fara badan.

 

Mas’uuliyiin ka soctay Qaramada Midoobey ayaa bishii ugu danbeysay dhowr jeer yimid Muqdisho, tan oo tuseysa sida ay uga go’antahay inay Dowladdu ku taageeraan dadaalada gurmadka abaaraha iyo gar-gaarka bani’aadanimo.

                                  -DHAMAAD -

                   Hoos ka dalaaco sawiradda wafdiga QM

5r

4r

2r

  3r