Turkey (www.Bartamaha.com):- Wararka ka immanaya magaaladda ANKARA ayaa waxa ay sheegayaan ra’iisal wasaaraha Turkiga Tayyip Erdogan in uu arbacadii sheegay maalmaha soo socdo in uu booqan doono isaga iyo qooskiisa goobaha abaaraha ay ka jiraan Soomaaliya.
Booqashadiisa ayaa waxa kaloo ku wehlin doona wasiirka arrimaha dibadda Ahmet Davutoglu.
Waxa uu yiri: “ wasiirkayga arrimaha dibadda aniga iyo qooskeyga waxa aan booqan doona muqdisho sidaa daraadeed fursad ayay noo tahay in aan soo aragno xaaladda halkaas ka jirta,” Erdogan ayaa u sheegay xibigiisa Cadaaladda iyo Hormarinta (AKP).
Waxa jira cabsi balaaran in la soo booqdo Muqdisho in kastoo todobaadkan muqdisho laga saary Ururuka Shabaab siddaas waxa sheegay sarkaal u hadlay dowladda Turkiga,
Dowladda KMG ah iyo Ciidanka Midowga Africa waxa ay qireen in aysan maamulin magaaladda ka dib markii mucaaradka ay ka baxeen.
Hogaamiyihii ugu dambeeyay ee muqdisho soo booqda waxa uu ahaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni waxana ay ahayd November sanadkii horre.
Ciidankiisa ayuu ku deeqay in ka badan 9,000 oo askari oo ka jooga askarta nabad ilaalinta midowga Africa.
Si kastaba Xukuumadda Istanbul waxa marti galin doontaa 17-ka bishan August 57-wadan ee ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, kaa oo ujeeda ugu weyn ee looga hadli doono siddii loo taageeri lahaa Soomaaliyta iyo wadamadda dariska la ah ee abaaraha ay ku dhufteen. Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu.
Dowladda Turkey waxa ay soo dirtay labo duyuurad oo xamuul kuwaas oo sidda 50 tonne oo cuno iyo dawo iskugu jirra kuwaas oo Isniintii ka soo dagay muqdisho, waxa kaloo la socda shaqaale ka tirsan Bisha Cas Turkiga.
W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia