Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke oo wareysi gaar ah oo maqal iyo muuqaal ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in aysan haatan u qorsheyneyn in ay isku shaandheeyaan Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in uu ka war hayo in dhawaanahan la isla dhexmarayay warar sheegayay in isku shaandheyn iyo dhimis lagu sameynayo Xubnaha Golaha Wasiirrada, wuxuuna caddeeyay in hadda ay xal siyaasadeed raadinayaan, aysanna u qorsheysneyn in ay yareeyaan Wasiirrada Dowladda.
Dowladdu maxay qabatay ilaa iyo hadda?
Madaxweynaha, Raiisal Wasaaraha iyo Wasiirradu maxay dibadda u wareegaan iyaga oo hawshoodii dalku ay dayacan tahay?
Maanta waxaa Muqdisho ku dhintay ugu yaraan 6 ruux ka dib markii ay madaafiic isweydaarsadeen AMISOM iyo kooxaha ka soo horjeeda. Sababta oo ah Madaxweynaha ayaa imaanayay. Maalintii Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaruhu ay dalka ka soo baxayeen tobannaan ruux ayaa tabtaa u dhintay. Mudane Cumar Cabdirashiid maxaad ka qabtaa arrintaa?
Shareecada goorma ayaad si dhab u hirgelin doontaan?
Ma dhabbaa in aad isbeddel ku sameyneyso golahaaga wasiirrada oo aad soo koobi doonto?
Somaliland maxaad ka qabtaa?
Dad badan ayaa Soomaaliya afduub loogu haystaa, waxaa u dambeeyay laba British ah oo burcad badeed Soomaaliyeed ay qafaasheen. Maxaad wax uga qaban weydeen arrinkaas?
Lacag la’aan ayaa dowladda haysa ayaa la yiri. Bal noo faahfaahi.
Farriinta Ra’iisal Wasaare, Cumar Cabdirashiid C. Sharmarke maxay tahay?