QM oo ugu Baaqday Aduunyadda in la caawiyo dadka abaarta ay ku heestaan Soomaaliya

Posted on Aug 15 2011 - 7:24am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

110mnunUN09Nairobi (www.Bartamaha.com) Ku Xigeenka Xoghayaha ee QM dhinaca Bini’aadinimadda Valerie Amos oo seddex maalin booqasho qaatay ku timid Soomaaliya iyo Kenya ayaa shirjaraa’id oo Axadii ku qabatay magaalada Nairobi waxa ay kaga warbixisay wax yaabaha ay ku aragtay meelaha ay booqatay.

Waxa ay sheegtay tiradda Qoxootiga Soomaalida ee soo garaya Dalka Kenya in ay aad ubadaneyso.waxa kaloo ay sheegtay waxa dadkaas ka mid ah haweeneey aan kula kulmay xeradda dhadhaab oo ay ii sheegtay in ay intii ay u soo socotay dalka Kenya ay ku weeysay dhamaan caruurteedii oo gaarayay ilaa afar, marka waa aan u baahanahay gargaar badan” ayay tiri Mrs Amos.

QM ayaa sheegtay labadii bilood ee la so dhaacay in ay Xeradda Dhadhaab ay soo gaareen 70,000 oo qof, dalka Kenya ayaa marti galiyay in ka badan 400,000

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu daran ee abaarta ay ku dhufatay marka loo eego wadamadda Kenya, Ethiopia iyo Djibouti oo isku geeyn in ka badan 12 million oo ay u baahan yihiin cuno degdeg ah.

Mrs. Amos ayaa dowladda kenya iyo dadka reer Kenya ugu baaqday in ay soo dhaweeyaan, qoxootiga Soomaalida ee soo gaaraya waqooyi barri Kenya.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in la ballaarin doono xeradda Dhadhaab oo ah xeradda ugu weyn caalamka ee ay ku nool yihiin qoxooti..

In ka badan 3.2 million oo qof ayaa lagu qiyaasaa dadka u baahan gargaar deg-deg ah oo ku nool soomaaliya. QM ayaa ku dhawaaqday shan gobal oo ay ku jirto deegno ku dhow Muqdisho in macluul ay ka dilaacday.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

www.Bartamaha.com Waa isha wararka Soomaalida iyo kuwa Caalamka.