QM oo sheegtay in ka badan 1,000 Soomaali Qoxooti ah in ay gaaran dalka Kenya

Posted on Aug 11 2011 - 12:06pm by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It

unhcr_people UNHCR (www.Bartamaha.com):- Hay’adda QM u qaabilsan Qoxootiga UHNCR ayaa shaacisay in ka badan 1,000 Soomaali qoxooti ah ay gaaran xeradda dhadhaab ee waqooyi barri dalka Kenya kuwaas oo ka soo cararaya coladda iyo abaarta ka taagan Soomaaliya.

Hay’addu waxa ay sheegtay todobaadkii ugu horreyay bishan August in ay geeraan xeradda dhadhaba in in ka badan 1400 oo qof ,

Seddaxda xerro waxa tan iyo sanadkii gaaray 127,000 qof siddaasi waxa sheegay,” sidaasi waxa sheegay afhayeen u hadlay UNHCRRon Redmond.

 Xeradda dhadhaab waxa ay hooy u tahay hadda 90,000 oo qof. In Ka badan 10- million oo qof  oo ku nool geeska Africa, ayaa waxa ay u baahan yihiin gargaar cuno, waxa ku jira Labo million oo caruur ah kuwaas oo ay heesato xaalad macluul ah.

Beesha Caalamka waa in ay caawiyaan dadka soomaalida. meelaha Qaar Soomaaliya waxa ka shaqeeya shaqaalaha Ajinabiga Sidda  Somaliland iyo Puntland waa in ay gacan geestaan siddii gar-gaar loo siin lahaa dadkaasi ayuu yiri Wasiirkii hore Maaliadda dalka Rwanda Mr Kaberuka.

Madaxa hormarinta Bankiga Africa ayaa tilmaamay in si fiican aan loo qalabeen askarta Midowga Africa ka joogta Soomaaliya ee AMISOM, waxa uu sheegay haddii la qalabeen lahaa in ay wax badan ay ka qaban lahaayeen arrimaha abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo siddii loo gaar siin lahaa gar-gaarka dadka u baahan.

QM ayaa askarteeda kala baxday sanadkii 1993-dii ka dib markii Daraaziin Askartii UN-ka ka socday ee dalka Pakistan iyo 18-askar oo mareekan ah lagu dilay Muqdisho.

 W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Somalia