Bartamaha(Muqdisho):-Mark Browden oo ah Madaxa hawlaha Gar-baarka bin’aadanimada ee Q.M ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan holwo ay ku ogaanayaan sababta kaliftay in Suuqyada Dalka Soomaaliya lagu iibsado raashinka gar-gaarka ah oo ay bixiso hay’ada Cunada u qaabilsan QM Ee WFP .
Madaxa hawlaha Gar-baarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Mark Browden ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay xilli waliba ka qeybiyaan raashin gar-gaar ah kaasi oo ay siiyaan dadka ugu liita Shacabka Soomaalida ah eek u nool deegaanada lagu barakacay iyo goobaha ay abaaraha ka jiraan.
Mark Browden oo saxaafada kula hadlayay Magaalada Nairobi ayaa tilmaamay in dalka soomaaliya ay siiyaan raashin gar’gaar ah oo ku kacaya ku dhawaad 1-Milyan oo Doolar kaasi oo uu sheegay in ay siiyaan dadka ugu liita shacabka soomaalida ah.
Hadalka Masuulkaasi ka mida Xafiiska Gar-baarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanahan Hay’adda WFP lagu eedeeyay in aanay bixin gargaarki loo baahnaa taasi oo ay cabahada ay bixinayaan dadka baahan ay sii kordhaysay iyadoo taasi ay dheertahay Bakhaarada hay’adaasi WFP ay ka samaystaya Magaalooyinka Muqdisho iyo Waajid.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartmaha.Com,
Muqdisho-Somalia.