Qasaaraha ka dhashay dagaal shalay Muqdisho ka dhacay oo sii kordhaya.

Posted on May 13 2010 - 4:50am by News Desk
Tweet
Pin It

dhaawacBartamaha(Muqdisho):-Qasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya xilli weli xiisad dagaal laga dareemayo xaafadihii shalay lagu dagaalamay.

Qasaara xoogan ayaa shacabka ka soo gaareay dagaal qaraar oo shalay ka dhacay wadada Terbuunka Muqdisho halkaasi oo ay isku fara saareen Ciidamada Amisom iyo Maleeshiyaadka Xizbul Islaam.

Dagaalka xoogiisa ayaa shalay galinkii dambe dhacay waxaana si daran doori ah madaafiic loogu garaacay Xaafado badan oo ka mida Muqdisho sida Suuqa Bakaaraha,Howl-Wadaag,Wardhiigley,Suuq Bacaad iyo deegaano kale.

Duqeynta shalay dhacday iyo dagaalka ayaa sabab ka dhigay dhimashada in ka badan 15-ruux waxaana dhaawacyada la geeyay goobaha caafimaadka ay kor u sii dhaafayaan 40-ruux.

Gawaarida gurmadka oo qaaday dhaawacyada ayaa saraakiisha maamusha gawaaridaasi waxa ay cadeeyeen in shacabka dhaawacmay ay dhammaan ahaayeen kuwa aad u liita maadaama madaafiic ay ku dhaawacmeen.

Isbitaalada Madiina iyo Dayniile ayaa Xalay waxaa ku nafwaayay 3-ruux oo shalay dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaaladaasi iyadoo la sheegayo in ay jiraan dad kale oo aad u liita.

Inta badan xiliyada la duqeeyo goobaha shacabka iyo xiliyada dagaalada waxaa saamaynta ugu badan ay gaartaa dadka rayidka ah oo dushooda ay ku dagaalamaan dhinacyada siyaasada isku haya.

Xaalada guud ahaa saaka ah mid iska yara dagan waxaana la sheegayaa in Ciidamo badan ay ku sii qulqulayaan wadada Taleex oo shalay Ciidanka Dowlada laga soo saaray xaafado badana ay ka qabsadeen maleeshiyada Xizbul Islaam.

 

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia