Qasaaraha Dagaal Muqdisho ka dhacay oo sii kordhaya.

Posted on Sep 9 2010 - 8:53am by News Desk
Tweet
Pin It

Qasaare1Bartamaha (Muqdisho):- Waxaa sii kordhaya qasaaraha dadka shacabka ah ka soo gaaray dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee shalay illaa xalay ka socanayay gudaha Muqdisho ayaa sababay qasaara gaaray dadka rayidka ah ee aan dagaalada socanaya wax lug ah ku lahayn.

Dagaaladii shalay ka socanaya Woqooyiga Muqdisho iyo madaafiicdii xalay la isku dhaafsaday Muqdisho ayaa sabab ka dhigay dhimashada 14-ruux oo rayid ah iyo 32-kale oo dhaawac ahaan loo dhigay isbitaalada magaalada.

Madaxa gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah Cali Muuse ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in dhaawacyada ay ilaa xalay ka daad guraynayeen xaafadaha magaalada oo madaafiic ay ku soo daadanayeen.

Gawaarida Gurmadka deg-dega ah ayaa waxa ay inta badan dhaawacyada ka qaadaan xaafadaha ka yara baxsan goobaha rasaasta at ka socanayso wallow ay dadka shacabka ah gaadidka gaarka ah ku qaadaan dadka ku dhaawacma aagaga hore ee deegaalada.

Isbitaalada magaalada ayaa waxaa yaala dad rayid ah oo badankood ku dhaawacmay dagaalada galay todobaadkii saddexaad oo alshabaab ay dagaal ka wado gudaha Muqdisho.

 Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika