Qasaara ka dhashay dagaal maanta ka dhacay Woqooyiga Gaal-Kacyo iyo Xaalada oo dagan

Posted on Oct 29 2009 - 3:29pm by News Desk
Tweet
Pin It

dhwBartamaha(Gaal-Kacyo):-Dagaalkii Maanta ka dhacay Magaalada Gaal-Kacyo aya galabta si rasmi ah u istaagay ka dib qasaara ka dhashay dagaaladaasi iyo shaqadii bur-burinta oo la hakiyay.

Dagaalka maanta Gaal-Kacyo ka dhacay ayaa waxa uu sababay dhimashada 7-ruux iyo dhaawana ku dhawaad 15-kale oo rayid iyo Ciidan isugu jiray.

Dagaalka ayaa waxa uu ku bilowday Bam gacanta laga tuuray oo 2-Askari lagu dilay taasi oo ahayd furaha dagaalka maanta dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Ganacsatada Gaal-Kacyo.

Dagaalka maanta ayaa waxaa xoojiyay ganacsatada suuqa Rasaasta “Cirtoogte” kuwaasi oo lagu amray in ay ka guuraan haddii kale la galiyo cagaf taasi oo dagaalka cuslaysay.

Maalin ka hor ayaya ahayd xiligii dagaal dhimasho iyo dhaawac dhaliyay uu ka dhacayay suuqa qeynta raashinka iyo Bacadlaha halkaasi oo Minishiibiyada ay isku dayeen in ay jabiyaan.

Xaalada ayaa galabta iyo Caawa ah mid xasiloon iyadoo Magaalada ay soo buuxiyeen Ciidamada Booliiska halka ganacsatadii dagaalantay hubkoodii ay la galeen Koonfurta Magaalada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.