Duqeyn Khasaaro Badan Gaysatay oo Muqdisho Ka Dhacday.

Posted on Jul 20 2010 - 1:48pm by News Desk
Tweet
Pin It

DHAWBartamaha (Muqdisho):- Qasaara xoogan ayaa ka dhashay Madaafiic maanta lagu garaacay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay duqeyn culus oo maanta loo geystay xaafadaha Woqooyiga Magaalada ayaa waxa ay sababeen dhimashada 7-ruux iyo dhaawac ka badan 15-kale kuwaasi oo dhammaan ah dad shacab ah.

Madaafiicda ayaa waxa ay ku hoobanayeen Xaafadaha Degmooyinka Yaaqshiid,Boondheere,Wardhiigley iyo Shibis oo dhammaan ay ka soo dagaal galeen Alshabaab oo ku dhawaatay Villa Somalia taasi oo keentay in Taangiyada Amisom ay dagaalka soo galaan.

Xaalada ayaa caadi ku soo oqotay ka dib markii Maleeshiyada Alshabaab ay isaga bexeen Isgoyska Boondheere iyo Xarunta Degmaasi oo ay ka soo qabsadeen xiligii hore Ciidanka Dowlada oo salka la soo galay Villa Somalia taasi oo keentay in Amisom ay difaacdo Madaxtooyada.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.