Qasaara ba’an oo ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho (Sawirada Dagaalka).

Posted on Oct 4 2010 - 4:41pm by News Desk
Tweet
Pin It

dagaaladii_maantaBartamaha  (Muqdisho):-  Qasaara xoog badan ayaa ka dhashay dagaal maanta si xoog badan uga dhacayay xaafadaha Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo saaka aroornimadii hore bilowday ayaa galabta gabal dhicii soo gaaray waxaana Xoogaga Islaamiyiinta iyo kuwa Amisom oo askarta Dowlada ay kaabayaan isku adeegsadeen Hubka nuucyadiisa kala gadisan.

Ciidanka Amisom oo maanta dagaal lugta ah galay ayaa waxa ay qabsadeen dhul badan oo Maleeshiyaadka Islaamiyiinta ay horay u haysteen waxaana dagaalka ay ku qabsanayeen uu noqday mid qasaara badan sababay.

Dagaalkla saaka aroortii qarxay ayaa sababay in ka badan 30-oo dhimasho ah iyo dhaawaca ku dhawaad 60-kale oo dhammaan u badan Xoogagii dagaalamayay oo kala ahaa Amisom iyo Dowlada oo jiha ah iyo Maleeshiyaadka Xizbul Islaam oo shabaab kaalma ka helay.

Dagaalka dhacayuay ayaa waxaa Dowlada ay ka gaartay guula la dareemi karayo markii maleeshiyaadka Shabaab iyo kuwa Xizbul Islaam laga eryay xaafado ka mida Degmada Hodon Sida Terbuunka,African Village iyo Warshadii  Caanaha iyo deegaano kale.

Qasaaraha rayidka soo gaaray ayaa maanta ahaa kuwii ugu yaraa waxaana inta badan dagaalka ku dhamaaday Xoogagii is hayay oo iska dilay askartii u dagaal galaysay iyadoo dagaalka uu ahaa mid qaraar oo faraha looga gubtay.

Ciidanka Amisom ayaa isku balaariyay Xaafadaha ay qabsadeen maanta sida Fagaaraha Terbuunia iyo Xerada Horseed iyo deegaano ku dhow dhow African Village iyo sidoo kale wadada Warshadii Caanaha oo ay meela badan ka dageen.

Daawo Sawirada:-

terbun2

terbun

askarta Dow;lada ter

Terbuunka

Terbuunka

Taliye Goobaale

Taliye Goobaale

terbunaskar


Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]