Qaraxyo Xalay ka kala dhacay Koonfurta iyo Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo.

Posted on Jan 9 2010 - 7:55am by News Desk
Tweet
Pin It

gaalkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Qaraxyo qasaara geystay ayaa xalay ka kala dhacay Koonfurta iyo Woqooyiga Magaalada Gaal-Kacyo.

Weerarka qaraxyada ayaa midka hore waxaa saddex Bam lagu tuuray Saldhiga Ciidamada Ahlu Sunnah Wal Jamaaca Ee Koonfurta Magaalada.

Qaraxyada Saddexda ah ayaa waxa ay dhaliyeen dhimashada 1-askari iyo dhaawaca 4-kale oo dhammaan ah Ciidamada Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.

Dhanka kale Qarax dhicisoobay ayaa waxa uu ka dhacay Woqooyiga Magaalada iyadoo lagu tuuray xarun ay daganyihiin Culimada Ahlu Sunnah.

Qaraxaasi oo ahaa Bamka ganacta laga gano ayaanan sababin wax waxyeela ah marka laga reebo qalqal iyo cabsi magaalada laga dareemay.

Ciidamada labada dhinac Ee Ahlu Sunnah iyo Puntland ayaa howlgalo ka kala bilaabay magaalada Labadeeda jiho Koonfurta iyo Woqooyiga Gaal-Kacyo.

Qaraxyada xalay ka dhacay Magaalada Gaal-kacyo ayaa dhammaan waxa ay ahaayeen kuwa weerar ahaantooda ku beegna Kooxda Ahlu Sunnah oo kaliya iyadoo taasi laga dareemayo in ay xiriir adag leeyihiin kooxda qaska ka wada Puntland iyo Deegaanada Gal-mudug.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.