Bartamaha(Gaal-Kacyo):-Qaraxyo laba ah ayaa Xalay lagu weeraray Xarunta Dowlada Hoose Ee Magaalada Gaal-Kacyo Puntland halkaasi oo qasaara uu ka dhashay .
Kooxo aan sharciga qaban ayaa Xalay weerar bambaano ku qaaday Xarunta Dowlada Hoose Ee Magaalada Gaal-Kacyo halkaasi oo qasaara uu ka soo gaaray Ciidamo Dowlada ka tirsan.
Qaraxyada ayaa waxa ay ahaayeen 2-Bam oo nuuca gacanta laga tuuro kuwaasi oo lala beegsaday Xarunta Maamulka Dowlada Hoose halkaasi oo la sheegay in qasaara uu ka soo gaaray Ciidamada Maamulka.
Duqa Magaalada Gaal-Kacyo Ee Maamulka Gobolka Mudug C/raxmaan Xaaji Maxamud ayaa beeniyay in Ciidamadooda uu qasaara gaaray isagoo ku gaabsaday in qaraxa uu burbur aan balaarnayn u geystay Xarunta Maamulka.
Qaraxyada Xalay Gaal-Kacyo ka dhacay ayaa waxa uu ka qeybyahay ammaan daro balaaran oo dhawaanahan ka jiray Deegaanada Puntland halkaasi oo dilal iyo qaraxyo joogta ay ka noqdeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.