Bartamaha(Balad-Weyn):-Qaraxan oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa fiidnimadii xalay lagu weeraray Ciidamada Dowlada Ee Magaalada Balad-Weyne xilli ay roondooyin wadeen.
4-ruux ayaa ku dhaawacantay Bamkaasi nuuca gacanta ah ee lagu tuuray fiidnimadii xalay Ciidamada Dowlada Ee Magaalada Balad-Weyne ku sugan kuwaasi oo intooda badan ah Ciidamadii lagu tuuray qaraxa oo dhaawac uu soo wada gaaray.
Dhaawacyada ayaa xalay loola cararay Isbitaalka Baladweyne iyadoo Ciidamada Dowlada ay bilaabeen in ay rasaas jiha waliba u ridaan xiligaasi oo ay Magaaladu ay ahayd mid  bandow ah.
Qaraxa ayaa imaanaya xilli wax ka yar 48-Saacadood ay Ciidamada dowlada gacanta ku hayaan Galbeedka Magaalada oo ah goobta xalay bamka lagula tuuray.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â