Bartamaha(Muqdisho):-Qarax xoog leh ayaa duhurnimadii maanta ka kacay Degmada Wadajir gaar ahaan wadada Ceel-qalow halkaasi oo miino ay ka qaraxday.
Ciidamada Dowlada ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay oo ahayd meel ay inta badan Ciidanka Dowlada isticmaali jirteen gawaaridooda wallow ay kaligeed Miinadaasi qaraxday.
Ciidanka Dowlada ayaa bilaabay howlgalo ay ku soo qabqateen dhalinyarada xaafada qaarkood iyadoo mid ka mida dadka la qabtay uu sheegay meel ay ku aasnayd miino kale taasi oo la helay.
Ciidanka ayaa waxa ay xereen dhammaan Wadada Buula-Xuubay iyagoo dadk u sheegay goob ay ku aasnayd Miino nuuca meelaha fog laga hago taasi oo la doonayo in si nabad ah loo bixiyo.
Lama oga halka ay Ciidanka Dowlada la aadeen Wiilkii dhalinyada xaafada ka tirsana ee sheegay goobta lgu aasay Miinada iyadoo illaa haatan aanay jirin cid maanta ku dhiiratay maritaanka wadada Buula-Xuubay.
Qaraxyada Miinooyinka ayaa magaalada Muqdisho joogta ka noqday iyadoo inta badan lala eegto Ciidanka Dowlada wallow mararka qaar dad shacab ah waxyeela badan ay ka soo gaarto.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.