Bartamaha(Boosaaso):-Qaraxa Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa waxa uu ahaa mid qasaara geystay kaasi oo lala beegsaday goob shaneemo ah oo ku taalay galbeedka Magaalada.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaraxa qaabka uu u dhacay wallow la sheegay in lala beegsaday goob ay dhalo ka shidnayd oo ay dad badan ka daawanayeen Film.
Dadka qaar ayaa sheegaya in goobta qaraxa lagu tuuray ay ahayd Xarunta Kaamamka dadka Barakacayaasha Boosaaso halkaasi oo 1-qof dhaawac culus uu ka soo gaaray.
Ciidamada Ammaanka ayaa soo gaaray goobta falka qaraxa ah uu ka dhacay ka dib markii ay baxsadeen Kooxdii qaraxa u geystay Xafiiska Kaamamka Barakacayaasha Boosaaso.
Xaalada ayaa saaka ah mid caadi ah wallow uu socanayo dhaqdhaqaaq ammaanka lagu sugayo oo ay wadaan Ciidamada Booliiska Magaalada Boosaaso si loot ix raaco kooxdii falka geystay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.