Bartamaha(Garowe):- Sida wararka aynu ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarun Goboleedka Puntland Waxaa xalay Fiidkii qarax lala beegsaday Gudoomiyaha Baaralamaanka maamul goboleedka Puntland Mudane C/rashiid max’ed Xirsi.
Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miinada dhulka lagu aaso lagana hago Rumuud Kontaroolka ayaa waxaa lala eegtay Gaari sida la sheegay uu watay gudoomiyaha Baarlamaanka oo markaasi u socday gurigiisa.
Khasaaraha uu geystay qaraxa ayaan tafaasiil dheeri ah laga heyn, waxaana Saraakiisha amaanka iyo xildhibaanada baarlamaanku ay sheegayaan in aysan jirin cid wax ku noqotey, marka laga reebo shaqsiyaad ay ka soo gaareen dhaawacyo fudud kuwaa oo ku sugnaa agagaarka goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiisha dhinaca amaanka ee dawladda Puntland ayaa sheegay in ay ciidamadoodu wadaan howlgalo ay ku ogaanayaan waxa sababay qaraxa iyo weliba cidii ka danbeeysay, waxaana ay sheegeen in ay wadaan baaritaano xoog leh.
Sikastaba ha ahaatee qarayxyada ceynkan oo kale ayaa noqday kuwo ku soo laablaabta goobaha ay ka arimiyaan maamul goboleedka Puntland, waxaana ay tani noqoneysaa mid abuuri karta amaan darro soo wajahda ismaamul goboleedka Puntland.
Â
Ismaaciil Cali Cabdi
www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia