Bartamaha(Diinsoor):-Qarax Xoogan ayaa Xalay lala beegsaday Gudoomiyihii Alshabaab Deegaanka Diinsoor kaasi oo dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxa lagula eegtay gudaha Deegaankaasi.
Qaraxa oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa xalay lala beegsaday Gudoomiyaha ALshabaab Diinsoor Sheekh Cabdi Xayi Axmed Nuur xilli uu ka soo baxay Salaadii Cishaha iyadoo dhaawac culus uu soo gaaray masuulkaasi iyo laba ilaaladiisa ah.
Qaraxa xiliga uu dhacay ka dib ayaa waxaa magaalada ka dhacay rasaas ay fuarayeen Ciidamada Alshabaab kuwaasi oo amray in dadka ay xaafadahooda galaan iyadoo magaalada guud ahaan bandow deg deg ah la saaray.
Dhaawaca gudoomiayaha ayaa loola cararay Isbitaalka Baydhabo halkaasi oo haatan lagu dabiibayo sida ay sheegeen saraakiil ka mida maamulka alshabaab Baydhabo oo balan qaaday in saxaafada ay faahfaahin siinayaan.
Lama oga cida qaraxaasi samaysay waxaana uu qaraxaasi noqonyaa midkii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha Bay iyo Bakool oo ay ku xooganyihiin Xarakada Alshabaab.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.BARTAMAHA.COM
Muqdisho-Somalia