Qarax Xalay lagu Weeraray Xarun ka shaqeysa Daryeelka Caruurta iyo Waxbarashada Gudaha Magaalada Balad-Weyne.

Posted on Dec 13 2009 - 9:06am by News Desk
Tweet
Pin It

dddddfddfBartamaha(B/Weyne):-Kooxo aan la garan ayaa Xalay qarax u geystay xarun ka shaqeysa Daryeelka Caruurta oo ku taalay Magaalada Balad-Weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa waxaa Xalay lagu tuuray bartamaha Xarunta Safe The Children Magaalada Balad-Weyne halkaasi oo qasaara burbur u badan uu ka soo gaaray Xarunta hay’daasi.

Weerarka xarunta lagu qaaday ayaa waxa uu ahaa mid qorsheysay iyadoo daqiiqado ka dib ay goobta gaareen Ciidamada Xizbul Islaam kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay goobta falka qaraxa ah uu ka dhacay.

Waa markii labaad oo Xaruntaasi weerar lala beegsado iyadoo laba bil ka hor lagu dhaawacay sargaal ka tirsan hay’adaasi Safe The children Magaaladaasi Balad-Weyne.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Â