Qarax Xalay lagu Weeraray hoyga sargaal sare oo ka mida Kooxda Ahlu-Sunnah gudaha Deegaanka Guri-Ceel Ee Gobolka Gal-Gaduud.

Posted on Jul 16 2009 - 9:43am by News Desk
Tweet
Pin It

 ahlu sunhaBartamaha(Muqdisho):-Qaraxan oo ahaa Bamka nuuca gacanta laga tuuro ayaa xalay fiidkii hore waxaa lagu weeraray hoyga uu deegaanka Guri-Ceel ka daganyahay sargaal sare oo ka mida Kooxda Ahlu-Sunnah.

Sargaalka xalay weerarka bamka ah lagu tuuray ayaa lagu magacaabaa Maxmed Yuusuf Tooxow kaasi oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamada Kooxda Ahlu-Sunnah kaasi oo xilli uu ku sugna hoygiisa bamkaasi lagu soo weeraray.

Ma  jirin wax qasaara ah oo uu dhaliyay bamkaasi oo ku dhacay bartamaha hoyga lagu tuuray xilligaasi oo aanay ka agdhaweyn sargaalka lagu tuuray iyo ilaaladiisa intaba waxa uuna bur-bur xogan u gesytay dhismaha lagu weeraray qaraxan.

Ciidamada Kooxda Ahlu-Sunnah ayaa bandow ku soo rogay Deegaankaasi Guri-Ceel iyadoo ay wadooyinka Deegaankaasi soo buuxiyeen askar aad u fara badan kuwaasi oo bilaabay in dadka ay ku amraan in guryahooda ay ku xaroodaan .

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu-Sunnah Ee Deegaanka Guri-Ceel iyadoo gabi ahaanba saaka dadka Deegaanadaasi ay ku soo tooseen jawi daganaansha ah balse ay isweydiinayeen xalay waxa ka dhacay Deegaanka iyo qaabka bandowga dag-daga ah lo saaray Guri-Ceel.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia