Qarax Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo Cabsi la soo diristay Ururada Haweenka Magaaladaasi.

Posted on Feb 6 2010 - 8:08am by News Desk
Tweet
Pin It

BossasoBartamaha(Boosaaso):-Qarax ayaa Xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari kaasi oo lagu tuuray Xarun ay Haweenka Magaalada ku shiraan.

Qaraxa oo sababay dhawaca 1-ruux ayaa waxaa lagu tuuray guri ay ku shiraan Haweenka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaasi oo xiligaasi aanu ka jiri nb wax kulan ah.

Magaalada ayaa laga maqalay qaraxa iyadoo saaka wararka la helay ay sheegayaa in burbur xoogan uu gaaray Xarunta ay ku shiraan Gudiyada Haweenka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Cabsi xoogan ayaa waxaa la soo diristay Haweenka Magaalada Maadaama Xalay la qarxiyay halkii ay ku shiri kjireen oo ahayd guri ku yaala Xaafada Howlwadaag Boosaaso oo Xalay la weeraray.

Lama oga sababta qaraxaasi ka danbaysay iyadoo warar hoose oo soo baxaya ay sheegayan in dhawaanahan hanjabaadyo aan la ogayn cidda ka danbaysa loo jeedinayay Haweenka Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.