Qarax Xalay ka dhacay gudaha Boosaaso iyo Dil loo geystay Nin ganacsada ah gudaha Magaalada Garoowe.

Posted on Feb 13 2010 - 6:36am by News Desk
Tweet
Pin It

BossasoBartamaha(Boosaaso):-Qarax xoogan ayaa  Xalay lagu weeraray Ciidamada Ammaanka xilli ay marayeen gudaha Magaalada Boosaaso iyadoo waxyeela ay ka soo gaartay qaraxaasi.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa Bamka gacanta laga tuuro oo ay Koox aan la qaban ku tureen Ciidanka Ammaanka Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland iyadoo dhaawacyo uu ciidanka soo gaaray.

Ciidamada  ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray 3-askari kuwaasi oo loola cararay Isbitaalka guud ee Magaalada Boosaaso halkaasi oo lagu dabiibayo wallow la sheegay in dhaawaca Ciidanka uu yahay mid fudud.

Wararka laga helaayo Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Koox bistooladu wadatay ay dileen nin Gasnacsade ah kaasi oo marayay meel ku dhow hoyga uu Garoowe ka daganaa.

Koox Afka soo duubatay ayaa waxa ay weerar gaadma ah ku qaadeen Xildhibaanka iyagoo rasaas ula kac ah la beegsaday ka dibna uu ku geeriyooday Isbitaalka Garoowe oo la geeyay.

Dilalka iyo Qaraxyada ayaa waxa ay dhawaanahan Magaalooyinka Puntland ka noqdeen kuwa joogta ah xilli ay madaxda  Laamaha ammaanka ay sheegayaan in dhawaan ay soo afjaraan ammaan darada iyo dilalka sii socanaya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.