Qarax Xalay Boosaaso ka dhacay iyo Howl-gal ay saaka Ciidamada ka wadaan Magaaladaasi.

Posted on Feb 12 2010 - 5:10am by News Desk
Tweet
Pin It

BossasoBartamaha(Boosaaso):-Qarax Xoogan ayaa Xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso kaasi oo lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska kuwaasi oo howlgal ka wada Magaaladaasi.

Qarax xoogan ayaa laga maqlay gudaha Boosaaso kaasi oo la sheegay in lala beegsaday Ciidamada Booliiska Magaalada Boosaaso iyadoo xiligaasi ka dib ay rasaas fureen Ciidamada qaraxa lagu tuuray gudaha Xaafada ka mida Magaalada Boosaaso.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa bamka nuuca gacanta lagu tuuro wallow qasaaraha ka dhashay qaraxaasi uu yahay mid aan badnayn maadaama xiligaasi magaalada ay haawanaysay oo dadka ay Xaafadahooda ku xaroodeen sababo dhanka ammaanka ah.

Saaka ayaa waxaa howlgal balaaran uu ka socanaya gudaha Xaafadaha Boosaaso oo ay samaynayaan Cidiamada Booliiska si ay u baacsadaan Kooxo ammaan darada Boosaaso la sheego in ay ka danbeeyaan wallow aan la ogayn illaa haatan waxa ay howlgalkaasi ku qabteen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.