Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxo aan la aqoonsan ayaa xalay bam gacmeed ku weeraray Ciidamada Kooxda Ahlu-sunnah xilli ay ku sugnaayeen saldhiga Magaaladaasi.
Bamka oo ahaa nuuca gacanta laga tuuro ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhacay gudaha saldhiga Guri-ceel xiligaasi oo ay ku wada sugnaayeen Ciidamada Kooxda AShlu-sunnah gudaha saldhiga.
Inta la xaqiijiyay 2-askari ayaa dhaawac uu ka soo gaaray bamka xalay saldhigaasi lagu tuuray sida ay xaqiijiyeen qaar ka mida dadka la jaarka ah saldhiga guri-ceel iyadoo goobtaasi ay ka dhacday rasaas ay ciidamada ridayeen.
Xaalada Ammaanka Gur-Ceel ayaa dhawaanahan waxa ay ahayd mid aad u wanaagsan wallow waraaqo digniin ah lagu daadiyay xaafado ka mida Deegaankaasi Guri-Ceel.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.