Â
Bartamaha(Muqdisho):-Qaraxan oo ahaa miinada nuuca rumuudka laga hago ayaa saaka aroortii hore waxaa lala beegsaday ciidamada Amisom kuwaasi oo xilligaasi lugaynayay wadada isku xerta Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM.4 Ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu la kacay ciidamada Amisom oo saaka waday howlo baaritaanada Miinooyinka kuwaasi oo lugaynayay wada KM.4 ka baxda ee gasha Garoonka diyaaradaha Adan Cadde Inter,
Ciidamada ayaa la sheegay in ay xilligaasi baarayeen Miinooyin looga bartay in xilli waliba lagu aaso Wadada ay isticmaalaan Ciidamadaasi taasi oo ay waxyeelada ugu badan u gaysato ciidamadooda Amisom.
Qaraxa saaka lala beegsaday Ciidamada Amisom ayaa la sheegayaa in ay waxyeela ka soo gaartay mid ka mida askartooda oo si weyn ugu dhawaa goobta Miinada ay ku aasnayd iyadoo ferirada Miinadaasi ay gaartay xaafado ka fog wadada laamiga ah taasi oo ay ku dishay 1-ruux dhaawacna ay u geysatay miinadaasi laba kale oo ay caruur ku jireen.
Â
Ciidamada Amisom ayaa bilaabay in ay rasaas dhan waliba ay u ridaan taasi oo aan wax waxyeela ah geysan balse ay in mudda ah xanibtay isku socodka dadka iyo gaadiidka wada KM4 ilaa garoonka diyaaradaha.
Â
Ma aha markii ugu horaysan ee qarax miino lala eegto ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Amisom iyadoo inta badan weerarkaasi Miino lagula beegsado deegaankaasi KM.4 ilaa agagaarka garoonka Muqdisho halkaasi oo ah wadada ay ugu isticmaalka badanyihiin ciidamada.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.