Bartamaha(Muqdisho):-Qaraxan oo ahaa miinada Nuuca Rumuudka laga hago ayaa barqanimadii maanta waxa uu la kacay gari ay saarnaayeen Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya oo marayay Wadada Afisyooni Ee Muqdisho.
Miinada Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya la kacday ayaa la soo sheegayaa in bur-bur xoogan u geysatay gaariga qaraxa lala beegsaday kaasi oo ay ku dhaawacmeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyootay 3-ruux oo mid ka mida uu yahay Askari ka tirsan dowlada wallow in ka badan 4-ruux ay halkaasi ku dhaawacmeen ka dib rasaas ay ciidamada dowlada ku fureen hareeraha goobta lagu qarxiyaya.
Ciidamada Dowlada ayaa waxa ay soo buuxiyeen Xaafadaha Degmada Waabari gaar ahaan hareeraha wadada 21-October Ee Degmada Waabari halkaasi oo ay dad badan ka qab-qabteen Ciidamada .
Inta badan waxaa qaraxyada Ciidamada lala beegsadaa xiliyada ay soo maraan goobaha miinooyinla loogu aaso gaar ahaa wdada Afisyooni oo qasaraha ugu badanb Ciidamada loogu geysto qaraxyada lala beegsado.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.