Bartamaha (Muqdisho) Qarax miino ayaa duhurnimadii maanta lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya xilli ay marayeen Buundada Ansalooti Degmada Xamar Jajab Ee M uqdisho.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu burbur u geystay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay sargaal ka mida Ciidamada Maxkamadaha dowlada ku biiray xilli uu marayay wadada Ansalooti Ee Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyootay 3-ka mida Ciidamada Dowlada iyadoo uu ka badbaaday Sargaalkii lagu weeraray qaraxa oo ahaa Taliyaha howlgalinta Ciidamada Daraawiishta Dowlada Soomaaliya Saadaq Maxmed Cabdi.
Rasaas ay fureen ciidamo ku sugnaa goob aan ka dheereyn halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sababtay dhaawaca 3-ruux oo shacab ah kuwaasi oo ka dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.