Bartamaha (Muqdisho):- Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa lala beegsaday gaari nuuca dagalka ah oo ay la socdeen askarta Dowlada.
Qaraxa ayaa waxa uu ahaa miinad dhulka lagu aaso kaasi oo lala beegsaday gaarti dagaal oo askarta Dowlada ay la socdeen waxaana halkaasi ka dhashay qasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ciidanka gaaray.
inta la ogyahay waxaa dhintay 3-Askari 6-kalana dhaawac culus ayaa qaraxa ka soo gaaray markii Miinada ay la kacday gaariga dagaalka oo ay Ciidanka saarnaayeen halkaasi oo rasaas culus ay qaraxa ka dib ka dhacday.
Ma jiro qof shacab ah oo qaraxa uu waxyeela ka soo gaaray marka laba reebo gaari woxoogaa burbur ah uu ka soo gaaray Bamka Miinada ahaa oo gaariga nuuca dagaalka hawada la galay oo askarta ay ku dhamaadeen.
Xaalada goobta qaraxa ka dhacay ayaa ah mid dagan taasi oo ahayd wadada hormarta daarta Say Biyano oo ay meel aan ka dheereen daganyihiin Cidianka Midowga Afrika Ee Amisom oo rasaas furay markii la qarxiyay askarta Dowlada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.