Qarax Hargaysa ka dhacay iyo dad loo qabtay.

Posted on Nov 9 2010 - 9:32am by News Desk
Tweet
Pin It

hargeysaBartamaha (Hargaysa):- Qarax nin Caraysan ka danbeeyay ayaa ka dhacay xaafad ka mida Magalada Hargaysa Ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Qarax Bambaano ayaa shalay gabal dhicii ka dhacay bartamaha Magaalada Hargaysa kaasi oo waxyeela ba’an ka soo gaartay dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo saarnaa gaari rakaab ah.

Bam Gacmeed uu nin caraysan ku tuuray gaari rakaab ah ayaa sababtay dhaawaca in ka badan 10-ruux oo dhammaan rayid ah oo la socday gaari rakaab ah oo marayay Xaafada Qudhac-dheer ee degmada Maxamuud Haybe.

Qaraxa ayaa marka uu dhacayay waxaa muran xoogan dhexmarayay darawalka gaariga iyo nin rakaabka ahaa oo ka dagay iyadoo muranka uu sababay in ninkii rakaabka ahaa uu iska soo jaro Bam Gacmeed ka dibna uu ku tuuray gaariga.

Dadkii la socday gaariga Bl-ka ah ayaa waxa ay noqdeen 10-ruux oo dhaawaca uu ka soo gaaray Bamka iyo qaar badan oo kale oo iska tuuray gaariga qaraxa lala beegsaday oo ahaa mid rakaab ahaa.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa la sheegay in ay soo gaareen Ciidanka Booliiska Maamulka Somaliland iyadoo goobtaasi laga qaaday dhaawacyadii qaraxa uu waxyeelada u gaysatay oo dhammaan ahaa shacab.

Ciidanka oo Howlgal balaaran sameeyay ayaa waxa ay gacanta ku s0o dhigeen Laba qof oo loo haysto in ay sababeen in uu baxsado ninka qaraxa keenay oo raad raac ka dib la ogaaday in uu galay guri ka dibna uu ka sii baxay.

Booliiska oo labadaasi qof soo qabtay ayaa waxa ay dhigeen Xabsiga Magaalada Hargaysa iyadoo loo haysto ninkii qaraxa gaysatay oo galay guriga laga soo qabtay labadaasi qof ka dibna uu ka sii baxay ninkaasi oo aan la ogayn halkii uu jaan iyo Crib dhigay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].