Bartamaha (Muqdisho):- Qarax qasaara sababay ayaa Caawa lala beegsaday Ciidanka Dowlada gudaha Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Bam nuuca gacanta laga tuuro ayaa Caawa lala beegsaday Ciidanka Dowlada gudaha Degmada Waabari Ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidanka.
Askarta la qarxiyay ayaa waxa ay ahaayeen kuwa fariisin ku lahaa agagaarka dhismaha Dugsigii sare Ee 21-October gudaha Waabari Ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la aaminsanyahay in qasaara uu ka soo gaaray Ciidanka Caawa la weeraray waxaana ay fureen rasaas aad u xoog badan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Xaalada ayaa caadi ku soo laabatay ka dib markii mudddo askarta ay ridayeen rasaas aan la garanayn cida nay sida rasmiga ah ugu ridayaan.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.