Bartamaha(Muqdisho):-Qaramada Midoobe ayaa shaaca ka qaaday in ay rajo wanaagsan ka qabto Ciidamada Dowlada Soomaaliya in ay la wareegaan dhammaan degmooyinka G/Banaadir.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Axmed walad Cabdalla oo qoraal uu kaga hadlayay xaalada Soomaaliya ka soo saaray Magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in ay ku niyad wanaagsanyihiin Ciidamada Dowlada oo la wareega dhammaan degmooyinkii laga qabsaday dhawaan.
Axmed walad Cabdalla ayaa waxa uu sheegay in ay dhawaan rajaynayaan iskaashi dhexmara Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom kuwaasi oo uu sheegay in ay awood u leeyihiin in ay la wareegaan dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir.
Axmed Walad Cabdalla waxa uu intaasi ku daray indagaalkii kululaa ee maalintii daraato ahayd ka dhacay Magaalada Muqdisho uu tusaale wanaagsan u ahaa awood yarida islaamiyiinta Mucaaradka ee dagaalada kula jira dowlada Soomaaliya.
Wakiilka QM Ee Arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay isgarabtaagaan Dowladooda si ay u dhiira galiyaan Ciidamada dowlada oo uu sheegay in aanay ka maarmaynin taageera xagga shacabka soomaaliyeed ah.
Warqadan qoraalka ah ee ka soo baxday Xafiiska Wakiilka  Q.midoobe Ee Arimaha Soomaaliya ayaa waxa ay imaanaysaa xilli dagaalada qaraar ay Muqdisho ka dhaceen dhawaan kuwaasi oo halkii ay ka bilaabeen Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada uu haatan ku soo laabtay.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â