Qaramada Midoobe oo ku baaqday in Burcad badeeda Soomaalida dagaal lagula galo dhulka iyo badda .

Posted on Sep 6 2009 - 8:55am by News Desk
Tweet
Pin It

UN-blue-low-resBartamaha (Nairobi) Qaramada Midoobe ayaa ku baaqday in dagaal qorsheysan lala galo Kooxaha Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya si ay u sohalanaato maritaanka Maraakiibta Xeebaha Soomaaliya.

Wakiilka Xagga Siyaasada Iyo Militariga Qaramada Midoobe ninka lagu magacaabo Col.Victor Gamor oo ka qeybgalayay kulan ka dhacay Magaalada Mambaasa Ee Dalka Kenya ayaa waxa uu ka sheegay in loo baahanyahay in la soo gabagabeeyo la dagaalanka burcad badeeda.

Masuulkaasi u qeybsa Qaramada Midoobe xagga Siyaasada iyo Militariga ayaa sheegay in loo baahanyahay dagaal circa,Badda iyo dhulka leh oo lagu qaado burcad badeeda .

Col.Victor Gamor ayaa muujiyay sida ay qaramada Midoobe uga walaacsantahay Xaalada maritaanka Biyaha Wadanka Soomalaiya iyo sii socoshada afduubyada maraakiibta .

Hadalka Masuulkaasi Xagga Militariga u qaabilsan Qaramada Midoobe ayaa imaanaya xilli Xeebaha Soomaaliya ay ku suganyihiin maraakiibta in ka badan 15-dowladood kuwaasi oo aan waxba ka badalin kooxaha Burcad badeeda oo weli wada afduubka maraakiibta.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.