Qaramada Midoobe oo ka dayrisay xaalada bani’aadanimada Ee xiligan soomaaliya ka jirta.

Posted on Aug 12 2009 - 7:51am by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIA-PIRATES-TURKEBartamaha (Genava):- Hay’adaha Qaramada Midoobe u qaabilsan isku daba ridka howlaha gar-gaarha Ee UNOcha ayaa waxa ay sheegtay in xaalada dhibanayaasha Soomaalida ay sii kordheyso.

Hay’adda Ocha ayaa waxa ay sheegtay in dalka soomaaliya ay dhibaato ka taagantahay xagga Bini’aadanimada ah iyadoo ka digtay dhibaata ka dhalata gar-gaar la’aanta soomaalida dhiban haysata.

UNOCHA ayaa waxa ay sheegtay in dhibaatada Soomaaliya ka taagan xiligan ay la mid tahay kana sii baaxad weyntahay dhibaatadii ka dhalatay 1991-dii iyadoo tilmaamatay in ay gurya la’aan ay haysato 1.5 ka carartay dagaalada ka dhacay Muqdisho oo kaliya.

Warbixinya hay’adda ay soo saartay ayaa waxa ay ugu danbayntii ku baaqday in shacabka soomaaliyeed laga gaaro iyadoo sheegtay in haddii dhibaatada lagu sii fiirsado ay keeni doonto nolol xumo xal loo waayo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.