Qaramada Midoobe oo Jaamacada Carabta ka dalbatay in ay xanibaad saaraan Alshabaab.

Posted on Mar 28 2010 - 11:26am by News Desk
Tweet
Pin It

ban-ki-monBartamaha(Sirta):-Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ugu baaqay Wadamada Jaamacada Carabta in ay colaadiyaan Kooxda Alshabaab oo dhibaata ka wada dalka soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon oo hadal ka jeedinayay kulanka Madaxda Jaamacada Carabta ugu socanaya Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya ayaa sheegay in lo baahanyahay in soomaaliya laga qabto Alshabaab.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Jaamacada Carabta dhammaan wadamada lku jira loga baahanyahay in ay argagixiso u arkaan Kooxda ALshabaab oo dagaal ka wada dalka soomaaliya.

Xog-hayaha guud waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab ay yihiin kuwa Al-Qaacida xiriir wanaagsan la leh iyagoo soomaaliya ka geysta dilal,Qaraxyo iyo Dagaalo shacab badan lagu laayay.

Hadalka Qaramada Midoobe ka soo yeeray eek u aadan in Alshabaab la colaadiyo lana cunaqabateeyo ayaa imaanaya xilli horay Dowlaha Maraykanka iyo kuwa kale ay Alshabaab u aqoonsadeen Argagixiso.

 Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.