Qal qal laga qaaday Isgarsiinta Soomaaliya oo weli taagan.

Posted on Sep 17 2010 - 1:45pm by News Desk
Tweet
Pin It

qalqalkaBartamaha (Muqdisho):-Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa waxaa ku dhacay hoos u dhac dhaqaale markuii shacabka uu soo wajahay qalqal xoog badan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay  Virus la sheegay in la gaarsiiyay Soomaaliya oo Mobailada la isaga gudbinayo islamarkaana qasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhalinaya.

Dadka ku dhaqan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay hadal haayay walaac dadka la soo dersay kaasi oo salka ku hayay markii la helay xog ku aadan in dad ay u dhinteen Virus Mabailada la isaga gudbinayo.

Waxaa aad u yaraaday dadka Telfonadooda ka jawaabaya ama ku hadlaya markii walaaca uu isa soo taray islamarkaana la baahiyay warar sheegaya dhimashada dad badan iyo dad badan oo u naafoobay qabashada Telfonada gacanta.

Telfonada ayaa waxaa dadka ay dareemeen cabsidan markii warar sidaasi oo kala ah horay looga helay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya oo dad badan isbitaalo loo dhigay qabashada Mobailo laga soo wacay.

Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud,Telcom iyo Naitionlink ayaa dhammaan dhaqaalahooda uu hoos u dhacay 40% waxaana dad badan ay iska daayeen dhaqaalihii ay ku shuban jireen maadaama dadka qabanaya Telfonada ay yaraadeen.

Shirkadahan maamuladooda oo si kala gooni ah cod dheer ugu sheegay in dhacdadan ay tahay been abuur islamarkaana anu jirin wax Virus ah oo shirkadahooda soo galay wallow dadka Soomaalida ah ee Telfonada istcmaala ay weli baqanayaan.

wixii faahfaahin dheeraad ah ee ka soo baxa cabsida Mobailada kala soco www.Bartamaha.Com

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]