Police-ka Tuunisiya oo Maalintii labaad is hor fadhiya dibaxyaal Careesan magaaladda Tuunis

Posted on Aug 16 2011 - 9:25am by Mogadishu Desk
Tweet
Pin It
_54612041_tunisiaTunis www.Bartamaha.com):-Wararka ka immanaaya caasimadda Tunusia ee Tuunis, ayaa waxa ay sheegayan in maalintii labaad ay is hor fadhiyaan dibaxyaal iyo ciidamadda amanaka.

 

Mid ka mid goobjogayaasha ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in uu indhihiisa saaray ciidamadda oo adeegsanaya sunta indhaha qiica ka keenta iyo budad.

Dibaxyaasha ayaa ku cabanaya in aan isbadal weyn la sameenin tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii horre ee uu hogaaminaayay Madaxweyne Zine al-Abidine Ben bishii January.

Dalka Tunisia ayaa waxa uu ugu horreyay wadamada carabta ee ka dilaacay kacdoonka horaantii sanadkan.kadib markii xukan laga tuuray xukunkii 21-sano qaatay ee Bin Cali

Maamulka KMG ah ee hadda jirra ayaa sheegay in doorashadda guud dalka in ay dhici doonto bisha October.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com