Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Leego oo xal ka gaaray dil dhawaan ka dhacay Deegaankaasi.

Posted on Jul 19 2009 - 8:01am by News Desk
Tweet
Pin It

leego odayaashaBartamaha(Muqdisho):-Kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socanayay Deegaanka Leego Ee Gobolka Sh/Hoose ayaa si weyn loogu lafa guray dil dhawaan ka dhacay gudaha Deegaankaasi.

Waxgaradka Deegaanka Leego ayaa xal u helay dil dhawaan nin dhalinyara ah oo u geystay nin kale taasi oo cabsi xoogan laga qabay in qaab qabiil loo xaliyo arintaasi ama dagaalo ay sababto.

Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in ay ku guuleysteen in beesha dilka loo geystay lagu xaliyo in la siiyo diyada ninkii la dilay ama ay diyaar loo yahay qisaasta ninka wax dilay balse laga fogaado dagaalo beeleed dhiig ku daato oo halkaasi ka dhaca.

Mid ka mikda duqowda Deegaanka Leego ayaa sheegay in xiligan gabi ahaanba ay xaliyeen reerka laga dilay ninka ka dib isku dhac dhexmaray labada ruux ee mid ka mida la dilay taasi oo uu sheegay in ay muddo soo jiitamaysay xalkeeda.

Dhanka kale xaalada Deegaanka leego oo muddooyinkii la soo dhaafay ay fara ba’an ku hayeen kooxo burcad ah oo gawaarida dhibaatooyin u geysta ayaa haatan ah mid dhammaan ammaanka uu caadi ku soo laabtay ka dib howlgalo ay sameeyeen Islaamiyiinta maamusha Deegaanada ku xeeran Leego.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.