Odayaasha Deegaanka Tiyeeglow oo qaab beeleed u xaliyay isku dhac ka dhexeeyay Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Posted on Oct 6 2009 - 10:24am by News Desk
Tweet
Pin It

 

nabadoonBartamaha(Tiyeeglow):-Odayaasha iyo waxgaradka xagga dhaqanka Deegaanka Tiyeeglow ayaa qaab qabiil u xaliyay isku dhac ka dhexeeyay Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Odayaasha oo shalay illaa Xalay uu kulan uga socanayay deegaankaasi ayaa waxa ay ugu danbayntii isla meel dhigeen in Ciidamada Alshabaab ay deegaanka isaga baxaan.

Malaaqa beesha dagta Deegaanka Tiyeeglow Malaaq Guudow Xasan Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in xal ay u heleen isqabqasbi ka dhexeeyay dhalinyarada deegaankaasi oo Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam kala taabacsan.

Malaaqa Guudow ayaa u sheegay Saxaafada in deegaankasi xiligan xaaldiisu ay dagantahay Alshabaabna laga celiyay Magaalada si loo ilaaliyo wada daganaanshada iyo Beesha Deegaanka dalabkeeda.

Malaaq Guudow Xasan ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo in ay dagaalka Joojiyaan dhaqankana loo daayo xal ka gaarista dagaaladaasi.

Hadalkan ka soo baxay Nabadoonada Deegaanka ayaa imaanaya xilli dagaal laga cabsi qabay Deegaanka Tiyeeglow oo maalintii saddexaad maanta ay ahayd xiligii labada koox isku horfadhiyeen Deegaanka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.