Bartamaha(Garacad):-Odayaasha dhaqanka Deegaanka Garacad Ee Gobolka Mudug ayaa cabasho ka muujiyay diyaarado Helicopters ah oo xaalufin ku haya duurjoogta deegaanadaasi.
Waxgaradka ku dhaqan Deegaanka Garacad Ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay cabasho xogan ka muujiyeen Diyaarado Helicopters ah oo ku soo dagaya dhulka Hodka ah kuwaasi oo ugaarsi ba’an ku haya duurjoogta.
Odayasha Deegaanka ayaa waxa ay shegeen in diyaaradahaasi rasaas ku furan dhulka Kaynta ah si ay uga helaan nuucyada kala duwan Ee ugaarta taasi oo dhibaato xoogan ku ah dadka deegaanka.
Diyaradahan ayaa waxaa sii dheer maraakiib fara ba’an ku haya Xeebaha deegaankaasi oo ay dhigteen shabaakado taasina ay dhibaato ku noqotay Kaluumaysatada deegaanadaasi Gobolka Mugud.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.