Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo canbaareeyay dagaalkii ka dhacay B/weyne kuna baaqay Xabad joojin in loo hogaansamo.

Posted on Jul 18 2009 - 3:44pm by News Desk
Tweet
Pin It

Xaaji korontaleBartamaha (Muqdisho):- Waxgaradka iyo duqowda G/Hiiraan ayaa ku baaqay in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada Ciidamada labada dhinac ay ka wadaan B/weyne iyagoo si xoogan u dhaliilay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Xaaji Maxamuud Axmed Xooshow Korontaale oo ah Gudoomiyaha odayaasha Dhaqanka Hiiraan oo saxaafada kula hadlayay Magaaladaasi ayaa waxa uu si xoogani u canbaareeyay dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka gobolka Hiiraan Nabadoon Maxamuud Korontaale ayaa waxa uu sheegay in dagaalada ka bilowday Magaalada Baladweyne ay yihiin kuwa horsed u noqon kara dhibaato shacabka soo qajahda isgoo sheegay in ay wadaan qorshe xal dag-dag ah loogu helo xiisadaasi sidii loo qaboojin lahaa.

“Masuuliyada dagaalka waxaa iska leh kooxda Xizbul Islaam waayoo iyagaa soo qaaday dagaalka waxaana loo baahanyahay in loo dhaga nuglaado dadaalada ay waxgaradka wadaan.annaga kama daalayno sidii aan xal ugu heli lahayn labadaasi koox una bad-baadin lahayn dhiiga shacabka oo dagaalama”ayuu yiri Xaaji Korontaale.

Hadalka ka soo baxay gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa imaana xilli dagaalo shalay ay ka dheceen magaalada B/weyne kuwaas oo masuuliyadeeda ay sheegteen Kooxda Xizbul Islaam.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.