Nin ka shaqeysan jiray Musqulaha oo Xalay Bakaaraha lagu dilay.

Posted on Jun 30 2010 - 9:32am by News Desk
Tweet
Pin It

bastooladBartamaha(Muqdisho):-Kooxo afka soo duubtay ayaa Xalay noloshiisa u diiday Nin rayid ahaa kaasi oo ka shaqeysan jiray Kireynta Musqulaha ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Kooxo arxan laawayaal ah ayaa Xalay dil bareer ah u geystay Cabdi Maxamed Kaahiye”Cabdi Goobe” oo ahaa nin ka shaqeysan jiray Kireynta Musqulaha ku yaala qeybo ka mida Suuqa Bakaaraha.

Ninkan oo ahaa 52-Jir loo yaqaanay Goobe ayaa waxaa dilkiisa si bareer ah u geystay Saddex Wiil oo wejiga soo xeratay kuwaasi oo si aannaxariis lahayn rasaas ugu shanaqay.

Cabdi Goobe ayaa waxaa lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalay Suuqaasi isagoo ku soo socday dhismayaal Musqula ah oo uu ka shaqeysto sidii dadka ay u gali lahaayeen.

Waa dilkii ugu yaabka badnaa ee dhawaanahan ka dhaca Suuqa Bakaaraha waxaana dib dad badan ay u xasuusteen dilal ay geysteen Maleeshiyaadka Mucaaradka kuwaasi oo beegsaday marar badan dad aan Miyir lahayn iyo dadka ka dawarsada Suuqaasi Bakaaraha oo ay ku sheegi jireen Jaasuus ama Sirdoon.

Muddo haatan laga joogo Laba bil ayaa la xasuustaa in Kooxda ku caan baxday gowraca ay qaleen Wiil dhalinyara ah oo dad badan ay sheegeen in uu ka yimid Miyiga miyir ahaana aanu dhamaystirnayn kaasi oo lagu gowracay Isgoyska Bakaaraha Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.