Nin ganacsade ah oo maanta lagu dilay Magaalada Gaal-Kacyo.

Posted on Mar 6 2010 - 2:55pm by News Desk
Tweet
Pin It

woqoyiga gal-kacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Koox aan la garan ujeedadooda ayaa duhurnimadii maanta Bartamaha Koonfurta Gaalkacyo ku dilay nin ganacsade ah.

Kooxo aan lagu guulaysan in la qabto ayaa duhurnimadii maanta nin ganacsade ah ku dishay Deegaan ka mida Koonfurta Magaalada Gaalkacyo halkasi oo baaritaan ay ka bilaabeen Ciidamada Ammaanka Gal Mudug.

Laba qof ayaa loo qabtay dilka ninka ganacsada ah kuwaasi oo laga shakiyay xiliga uu dilka ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo ammaan ahaan dhawaanahan soo hagaagaysay.

Lama garan karo ujeedada loo dilay ninkaasi oo la sheegay in uu yahay ganacsadaha wallow laga yaaboin dilkaasi uu ku lug leeyahay aano qabiil maadaama dagaalo ay ka jiraan Gobolka Mudug.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.