Gaalkacayo:- (Bartamaha .Com) Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa xaley waxa kooxo hubeesan ay ku toogteen Alaha u naxariistee Nabadoon Xassan Xuseen alloore oo kamida nabadoonada ugu caansan magaalada Gaalkcyo.
Waxaa la toogtay kadib markii uu kasoo baxay salaadii taraawiixda iyo cishana oo uu ku tukaday masjid ku yaala xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.
Dilka Nabaddoonka ayaa waxaa geystay kooxo Bastoolado ku hubeysan kuwaasi oo toogtay 9-kii Fiidnimo dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalgacyo.
Kooxihii dilka Geystay ayaa isaga Baxsaday goobta uu falka ka dhacay, mana jiro ilaa hada loo soo qabtay.
Nabadoonka ayaa waxa uu ka mid ahaa cuqaal waayahan ku howlaneed daminta dagaal beeleedyo ku soo noq-noqday magaaladda Gaakacayo.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Mudug Daahir Maxamuud Muuse oo kamid ahaa dadkii ugu horreeyey ee taga goobta uu dilku ka dhacay. ayaa wariyaasha u sheegay in dadka dilka gaystay ay baxsadeen,
Wuxuuna gudoomiye xigeenku sheegey in mid kamid ahaa dadkii ka agdhawaa Marxuumka uu rasaas la dhacay kooxdii dilka gaysatay taasoo fududaysay in marxuumka rasaastii lala dhacayey ay yaraato, Wuxuuna Gudoomiyuhu intaasi raaciyay in isagoo dhaawac culus ah la geeyey Isbitaalka halkaas oo uu ku geeryooday.
Xassan Xuseen alloore Wuxuu kamid ahaa Golihii deegaanka ee uu bishii March kala diray madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole.